Soomaali Spell
Translation
FAQ
Contact
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo maanta ka qeyb-galay shir sanadeedka Garsoorka dalka ayaa shaaciyay sida keliya ee Soomaaliya ku heli karto garsoor dhab ah oo cadaali ah. Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in Garsoorka uu ka horeeyo wax walba, si uu cadaali u noqdana ay tahay in loo galo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab mid lamid ah. “Waxaa cidwalba ka fileyna in loo wada guntado hirgelintiisa iyo dhaqan-gelintiisa (heshiiska Garsoorka) si ay umadda Soomaaliyeed u hesho Garsoor dhab ah, oo madax-banaan oo ugu adeega si cadaalad ah oo dhex-dhexaad ah,” ayuu yiri. “Si aynu u helno amni oo umaddeena midnimadeeda usoo noqoto waxaa u baahanahay cadaalad iyo garsoor soo celin kara oo cadaaladaas umadda ugu adeegi kara.”
© Soomaali Spell Check 2021–2023